Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Sharif Xasan Sheekh Aden ayaa lagu wadaa in uu golihiisa wasiirrada uga warbixiyo safar uu ku tagay dalka Imaaraadka iyo kulamada uu la soo qaatay mas’uuliyiinta dalkaasi.
Ilo ku dhaw madaxtooyada Koonfur Galbeed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in Sharif Xasan uu saacadaha soo socda ku soo jeedo magaalada Muqdisho kadiba uu u gudbi-doono xarunta KMG ah ee maamulkaasi ee Baydhabo.
Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in madaxweyne Sharif uu ka warbixin doono safarkiisa Imaaraadka iyo heshiisyada uu la soo galay Abuu-Dhabi, golaha wasiirada ayaa la filayaa in uu heshiisyadaasi hordhigo.




From the comments