Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan talo-wadaag ah la qaatay qaar kamid ah Ururrada Bulshada Rayidka ah ee dalka.
Kulankan oo lagu xoojinaayey xiriirka wada shaqayneed ee Urrurada Bulshada iyo dowladda ayaa xubnaha ka socday Bulshada Rayidka ah waxa ay u soo gudbiyeen Madaxweynaha talooyinkooda ku aaddan dib-u-habaynta garsoorka, dib-u-eegista dastuurka, la dagaallanka musuqmaasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowlad dhisidda Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdu ay siinayso Bulshada Rayidka ah fursado ay kaga qayb qaataan talada dalka maadama dowladda haatan jirta ay tahay mid ka tarjumaysa rabitaanka Shacabka.




From the comments