Shacabka ku dhaqan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ayaa walwal ka muujinaya in fatahaad uu sameeyo Wabiga oo biyo badan keenay.
Qaar kamid ah dadka ku dhaqan hareeraha Wabiga oo la hadlay Goobjoog waxay sheegeen in hadda biyo aan badneyn ay banaanka usoo baxeen, ayna ka baqayaan in fatahaad ay bilaabato.
Beerihii ku dhowaa Wabiga waxaa soo galay biyo, kuwaasi oo kasoo baxaya Wabiga, waxaana dadku sheegayaan in xilli walbo la filan karo Fatahaad uu sameeyo Wabiga.




From the comments