Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta booqday Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Wuxuna kormeer ku sameeyey qeybaha gargaarka deg degga, qololka iyo sariiraha bukaan jiifka iyo qeyba kale oo muhiim ah kuna jireen dad Soomaaliyeed oo hayaan xanuuno kala duwan.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa u rajeeyey dadkii Soomaaliyeed ee ku jirey Isbitaalka in ALLAH uu siiyo Caafimaad deg-deg ah.
“Isbitaallada oo muhiimad gaar ah u leh ummad waliba ayaa ka mid ah goobaha uu dalkeenu ka liitay mudooyinkii bur burka, hase ahaatee isbitaalka Digfeer ayaa daboolay baahi badan oo dadka Soomaliyeed ay u aadi jireen dalka dibadiisa” ayuu yiri Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha mudane Mahdi Maxamed Guuleed.




From the comments