U bood dhigaalka

Dhageyso: Muxuu Madaxweyne Xaaf u Mamnuucay Kulamada Siyaasadeed Ee Ka Dhaca Cadaado?

Sebteembar 26, 2017

Warsaxaafadeed kasoo Baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa Lagu Mamnuucay kulamada, gaar ahaan kuwa siyaasadda la xiriir ee aan fasaxa looga heysay maamulka.

Warka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in wasaaradda amniga lagu wargalinayo inay ka hortagto kulan kasta oo la xiriira siyaasadaha xilligan ka jira Cadaado.

Hadaba si aan arrintaan waxbadan uga sii ogaanno waxaynu la xiriirnay wasiir ku xigeenka amniga maamulka Galmudugt, Mahad Maxamed Xasan, wuxuuna sheegay in sababta kulamada loo mamnuucay tahay xaqiijinta ammaanka.

Waxa uu tilmaamay madaxweyne Xaaf uu doonayo inaan la dhibaateyn shacabka, lagana warhayo kulan walbo oo dhacaya waxa uu ku saabsan yahay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

 

Goobjoog News