Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Ker ayaa sheegay inuu joogteynayo sidii uu dalkiisa ugu soo dabaali lahaa nabad gelyo, waxaa uu tilmaamay inuu ka xunyahay cabashada muwaadiniinta ee ku aadan sii socoshada dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka.
Madaxweyne Salva Ker ayaa ka codsaday muwaadiniinta in si siman ay ugala shaqeeyaan sidii koofurta Suudaan loogu furi lahaa bog cusub.
Suudaanta Koofureed oo ka go’day suunta kale sanadkii 2011, ayaa waxaa ragaadiyey dagaalo sokeeye oo u dhaxeeya dowladda iyo xoogagga mucaaradka.




From the comments