Madaxweynah Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ayaa ku baaqay in uu gogol u dhigo Kismaayo si loogu xaliyo khilaafka dalka ka jira ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, isla markaana ay maamul goboleedyada uga tashanayaan xuquuqdooda federaaliga ah.
Madoobe oo xiisadda ka hadlaya waxaa uu yiri“Waxaa jira maalmahan wadanka Xaaladiisa waxaa mooddaa inay jiraan qilaafaad, iska bada hadal iyo is eed eed, Soomaaliya waxaan isleeyahay Nabad is afgarad iyo wadahadal ayaa wax lagu dhisi karaa, khilaaf wax buu dumiyaa mooyee, Khilaafku malaha horumar, waxba ma dhiso, waxaana loo baahanyahay guud ahaan Soomaalida inay is ixtiraamto, heer gobol iyo heer Federaal intuba, isqadarin, is ixtiraam iyo wadatashi ayaa guul lagu gaari karaa horumar, guud iyo barwaaqyo” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Dhanka kale, waxaa uu ku baaqay gobol maamul goboleedka ah“Dalkan waxa uu u baahanyahay in la wada tashado, dalkan waxa uu u baahanyahay is afgarad wixii soo baxa in lagu dhameeyo” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha Jubbaland ayna diyaar u yihiin inay gogol dhigayaan Kismaayo oo ay isu imaanayaan Madaxda dowlad goboleedyada oo looga hadlayo xaaladda dalka lagu hagayo iyo wixii tabasho ah oo ay u qabaan Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya”




From the comments