Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u amba baxay dalka Boqortooyada Sucuudiga.
Safar shaqo oo qaadanaaya muddo labo maalmood ah ayaa Madaxweynaha iyo wafidigiisu ay ku tagaayaan dalkaas, halkaas oo kulamo ay la qaadan doonaan Boqorka Sucuudiga Salmaan Binu Cabdi Casiis iyo dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Binu Salmaan.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey safarka Madaxweynaha, waxa uuna sheegay in safarkan shaqo ee madaxweynaha uu dabo socdo safarradii hore ee u ku tagay dalkaas kuwaas oo lagu xoojinayey dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.




From the comments