Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdul Aziz yaa habeennimadii xalay soo saaray wareegto boqor oo ogaalanaysa in dumarku gawaadhidooda si iskood ah u wadi karaan.
Warkan oo qoraalkiisa lagu soo daabacay wakaaladda wararka Sucuudiga ee SPA, ayaa u qornaa sidan “Si wanaagsan haloo dhaqangeliyo xeerarka waddooyinka oo ay ku jiraan in ruqsadaha darawalnimada ragga iyo dumarka si isku mid ah loogu soo saarayo”.
Amarkan ayaa sheegaya in guddi heersare ah loo saaro oo ka baaraandaga arrinta, kuwaas oo ka tirsan wasaaradaha(arrmaha gudaha, maaliyadda, shaqadaha iyo horumarinta bulshada) si loo daraaseeyo arrimaha ku habboon ee lagama maarmaanka u ah fulinta sharciga.




From the comments