Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaaliya ay ku howlan tahay duminta maamul goboleedyada dalka.
Cosoble oo u waramay Goobjoog Fm, isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ayuu sheegay in qorshaha dowladda uu yahay sidii lagu burburin maamullada iminka dalka ka jira.
Waxa uu tilmaamay Cosoble in markii dib loo eego wixii uu isaga kala kulmay baarlamaanka Hirshabelle iyo waxa hadda ka jira Galmudug ay caddeyn buuxa u tahay in dowladda ay kaalin mug leh ku leedahay waxa soconaya.




From the comments