Ku dhowaad 7 qof oo ku dhaawacmay duqeymo diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geystay Gobalka gado ayaa maanta la gaarsiiyay degmada Baardheere.
6 qof ayaa Goobjoog loo xaqiijiyay in duqeymahani ay ku dhaawacmeen kuwaasoo ka dhacay degaanka Tarako ee gobolka Gedo, waxaana loo soo qaaday dhinaca Baardheere.
Dadka qaar ayaa xaaladdooda aad looga deyrinayaa waxaana dhici karta in Muqdisho loo soo qaado.




From the comments