Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ayaa saaka u duulay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.
Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) guddoomiye ku-xigeenka aqalka sare oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Galmudug u aadayaan sidii loogu heli lahaa xal siyaasadeed xiisaadda ka taagan.
“Waxaan Galmudug u tageynaa in Xal siyaasadeed loo helo xiisadda iyo in hey’adaha ka jira maamulka ay ku shaqeeyaan qaab sharciga waafaqsan”.




From the comments