Rag hubeysan ayaa goor dhow waxay degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho ku dileen Canab C/laahi Xaashi oo ahayd xoghayihii ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhintey Axmed Jaamac Xirsi oo ah wiilka guddoomiyaha ururukaasi.
Gaari ay la socdeen xubnahan ayaa lagu horjaray gaari kale oo ay saarnaayeen dableydan, kadibna waxaa lagu furay rasaas.
Xubno ka tirsan ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey geeridan.




From the comments