Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in saaka oo Jimce ah ay weerar ku qaadeen saldhig Militari oo Ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Bariire, Shabeelada hoose.
Afhayeen u hadlay xarakadan ayaa intaa ku daray in 17 askari ka dileen ciidamada xoogga dalka, iyaga oo qaatay hub iyo saanad kale.
Ma aha markii ugu horeysay ee Al-shabaab ay weerar ku qaadaan xeryaha ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka baxsan caasimadda, waa weerarkii 3aad muddo sadex todobaad ah.




From the comments