Dowladda Federaalka ah ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dagaalkii saaka ay Al-shabaab ku soo qaadeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha hoose.
Genral Sheegow Axmed Cali oo ah Taliyaha guutada labaatanaad “20” ee Ciidamada Xoogga Dalka la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay hadda gacanta ku hayaan deegaanka “Shabaab deegaanka Bariire waa nasoo weerareen, deegaanka Bariire innaga ayaa heysanno”.
General Sheegow Axmed Cali waxaa uu intaasi ku darayaa “Aagga 1aad, 18-baa uga dhimatay, 3 gaari oo haleysan oo meesha yaaley ayey qaateen” isaga oo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in halkaasi uu gurmad u tagay taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed.




From the comments