Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Galmudug ayaa ugu baaqay madaxda Galmudug iney la yimaadaan xasilooni siyaasadeed.
Nabadoonka oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay iney soo jeedinayaan in dowladda Federaalka iyo sidoo kale dadkii dhistay maamulkaasi ay si cadaalad ah u kala dhexgalaan madaxda Galmudug, si loo xalliyo khilaafka jira.
Waxa uu sheegay Nabadoon Axmed Diiriye Cali, in wax laga xumaado ay tahay in khilaafkan yimid iyo sidoo kale in hadda maamulka Gamudug halis ugu jiro inuu burburo.




From the comments