Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xarun ganacsi oo ku taalla dalkaasi waxay ku gubeen muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo lagu magacaabayey C/laahi Maxamed Cali.
C/laahi ayaa dukaankaan wuxuu ka ahaa waardiye, waxaana la sheegay iney usoo galeen burcaddan, ayna ku xireen qol yal oo dukaanka ku dhex yaallay, kadibna ay qaateen alaab badan oo halkaasi taallay, iyaga oo ugu dambeyn xaruntaasi dhan dab qabadsiiyey.
Dukaanka la gubay oo ay Soomaaali badan ka shaqeynayeen, ayaa la sheegay inuu ahaa dukaan aad u weyn oo Jumlada lagu iibiyo.





From the comments