Tobaneeyo rayid ah oo is kugu jira caruur iyo haween ayaa ku dhintay duqeymo cirka ah kuwaas oo laga fuliyey goob ay u suganyihiin mucaaradka hubeysan ee magaalada Idlib waqooyi galbeed Suuriya.
Dadka u ololeeyo xaquuqda Siiriya ayaa waxay baraha bulshada ku faafiyeen sawirro iyo muqaalo muujinayo dhismooyin burburay,k dib markii weeraro ballaaran oo cirka ah ay ku qaadeen diyaaradaha Ruushka iyo kuwa Siiriya ee magaalada Armiinaaz ee gobolka Idlab.
Dhanka kale ururka dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn oo ah ururka kaliya ee ka shaqeeya Idlib ayaa ka digaya weerarada ballaaran oo ay geysanayaan ciidamada huwanta ah,kuwaas oo haddii ay sii wadaan ay keeni karto in dhaqaatiirda ay xiraan Isbitaallada gobolka ku yaallo.




From the comments