Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ku dhaliilay hadal kamid ahaa khudbaddii uu dhowaan ka jeediyey xarunta golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.
Waraabe ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu ku qaldanaa in beesha caalamka ugu baaqo ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo sidoo kale xuduudaheeda, wuxuuna sheegay in Somaliland aanay warkaasi la qabin waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa uu Wareebe ugu yeeray beesha caalamka in aanay dhageysan hadalka Ra’iisul wasaaraha, Somaliland-na ay tahay dal ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale.




From the comments