Galmudug: 25 Xildhibaan Oo Maxkamad Looga Yeeray (Akhriso)
Sheeko:Dalka
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Galmudug Yaxye Sheekh Cali ayaa soo saaray qoraal uu ugu yeerayo 25 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi.
Xubnaha loo yeeray waxaa ku jira guddoomiyaha baarlaamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Maxamed Xaashi Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, balse xildhibaanno xalay kulmay ay sheegeen in ay xilalkii ka qaadeen.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in maxkamadda uu soo gaaray cabsho laga qabo 25-kaan mudane, looguna yeeray si wax looga weydiiyo.
Halkaan hoose ka akhriso:
Goobjoog News