Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug oo habeenkii xalay ahaa kulan ku yeeshay degmada Cadaado ee xarunta KMG ee Galmudug ayaa sheegay iney xilkii ka qaadeen madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka ee maamulkaasi.
Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo shir guddoominayey kulankaan ayaa waxaa xaadirey 52 mudane, waxaana ugu horreyn ay u codeeyeen guddoomiye Cali Gacal Casir, waxaana isku raacay in xilka laga qaado dhammaan xubnihii xaadiray.
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi ayaa isna in xilka laga qaado waxaa u codeeyay 49 mudane, Labo ayaa ka aamustay halka midna uu diiday.




From the comments