Siyaasi Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in khilaafka ka dhex jira dowladda dhexe iyo Galmudug ay ka horreyso arrimo siyaasadeed oo Galmudug ka dhex jira.
Wuxuu sheegay in is qabqabsiga ka dhex aloolsan madaxda u sarreysa Galmudug uu yahay mid culeys siyaasadeed ku noqon kara degaanka.
Waxa uu sheegay iney muuqato is diidmo ku aadan dadkii wax wada dhistay ee Galmudug, wuxuuna ka digeyn in qalqal siyaasadeed loo horseedo Galmudug.




From the comments