Maamulka K/galbeed ayaa mar kale ku celiyey in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay aan lagu qaban karin shir siyaasadeed aanu maamulka ka war hayn.
Afhayeenka maamulkaasi Nuuradiin Abukar Gacma oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in tani looga golleeyahay sugista amniga guud ee magaalada.
Waxa uu Afhayeenka waxbo kama jiraan ku sheegay iney caburin ku hayaan siyaasiyiinta ku sugan Baydhabo, wuxuuna tilmaamay in haddii ay caburin jirto aanay dhici lahayn cid xitaa warbaahinta la hadasha.




From the comments