Qaar ka mid ah ardayda wax ka barata Magaaladda Gaalkacyo ee ka soo kala jeeda dhinacyada Puntland iyo Galmudug ayaa dhigay dibad-bax nabadeed kaasi oo ay ku dalbanayeen in la xoojiyo Nabad kuwada Noolaashaha Gobalka Mudug.
Bannaan-bax lagu muujinayey nabadda ku wada noolooasho ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal arday ah kuwaas oo wax ka barta Iskuulada kala gedisan ee ku yaallo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug bartamaha Soomaaliya.
Ardada bannaan-baxa dhigeysay ayaa waxay ka soo kala jeedaan maamullada Puntland iyo Galmudug oo in muddo ah ku dagaalamayey Gaalkacyo,waxayna ardadaan ay codsanayeen in la qoojiyo deganaashaha iyo nabad gelyada magaalada.




From the comments