Xaflad ka dhacday maanta xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia oo ay ka soo qayb galeen hey’adaha dowladda federaalka ah iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayuu madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku saxiixay sharciga isgaarsiinta qaranka.
Xafladda waxaa goobjoog ka ahaa ra’isul wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ( Khader) , Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo wasiirro uu ka mid yahay wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan.
Waxaa kale oo xafladda lagu saxiixay xeerka isgaarsiinta qaranka ka soo qeyb-galay bulshada rayidka iyo mas’uuliyiin ka socday shirkadaha isgaarsiinta dalka.




From the comments