Ku dhawaad 10 ruux ayaa lagu soo waramayaa iney gaajo iyo nafaqo darro ugu geeriyoodeen duleedka magalaadda Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
Maamulka Magaladda Galkacyo ee dhinaca Galmudug ayaa maanta kormeer ku tagay Xeryo ay ku suganyihiin dadkii ku xoolo beelay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah Gobaladda dalka kuwaas oo xaladooda nolaleed laga deyrinayo.
Masuuliyiinta Maamulka Galkacyo ayaa ka dalbaday Hay’adaha deeqaha bixiya in ay u gurmadaan dadka ku dhiibaateysan xeryaha barakacayasha ee ku yaala duleedka Galkacyo.




From the comments