Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa shil khasaare geystay oo maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqaan suuqa Badarka.
Gaari la sheegay inuu ahaa nooca xamuulka qaada ayaa ku fariin goostay halkaasi, waxaana la sheegay inuu jiiray Labo qof oo goobta ka dhowaa, mid kamid ahna halkaasi ayuu ku dhintey.
Goob joogayaal ayaa sheegay in gaari uu dhanka gadaal usoo fariin goostay, dadka waxyeellada soo gaartayna ay meesha fadhiyeen.




From the comments