Diblumaasi Maxamed Maxamuud Nuur Caalim ayaa sheegay in shirkaasi uu noqon karo mid sii kala fogeeya dhinacyada oo ay dhici karto inuu noqdo mid madaxda Soomaalida ay isku dhaleeceyso.
Waxaa uu sheegay in arrinta Khaliijka Soomaaliya ay faa’iido u noqonayso haddiiba Sacuudiga uu dhaqaale 50 milyan oo dollar ah ugu yaboohay dowladda sidaa darteedna Qatar iyana ay dhaqaale bixin karto.
Khilaafka madaxda ayuu ku sheegay mid dili kara rajada umadda Soomaaliyeed ay ka qabtay dowladnimada.




From the comments