Cabdixakiin Camey, madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa sheegay in xilligaan aanu muhiim u arag in dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ay shirk u yeeshaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.
Waxa uu sheegay madaxweyne ku xigeenka in shirkaan loo baahan yahay in dib hadda loo dhigo, wixii kala tabasho ah ee maamullada iyo dowladana lagu dhameeyo miiska wadahadalka, oo Muqdisho la isugu tago.
Camey ayaa sidoo kale sheegay in shirkaan ka furmaya Kismaayo aanu waxbo soo kordhin doonin, ayna sii muuqan karto kala aragti duwanaanshiyaha iminka jira.




From the comments