Wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Wayne Tillerson ayaa sheegay in wasaaraddiisa ay gaarsiisay xukuumadda Cuba inay soo tarxiilayaan 15 diblomaasiyiin Cubiyiin ah kuwaas oo ku sugan caasimadda Mareykanka ee Washington, D.C.
Tillerson ayaa ku sheegay go’aanka ceyrinta diblomaasiyiinta timid kadib markii Havana ay ku fashilantay qaadashada go’aano munaasib u ah ilaalinta diblomaasiyiinta Mareykanka iyada oo la raacayo heshiiskii Vienna.
Dhanka kale afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in burinta diblomaasiyiinta aysan ka dhigneyn cuno qabateyn iyo dusha laga saaro Cuba mas’uuliyadda weerarka.




From the comments