Saddex askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa dhimatay labo kalana dhaawac ayaa soo gaaray intii uu socday weerar lala beegsaday iyaga oo roondo ka sameynayey meel u dhow xaduudka Niger iyo Mali sida uu sheegay mas’uul askari ah oo Mareykan ah.
Ilo gudaha ah ayaa sheegay in roondada ay sameynayeen ciidamadaani ay ku baadi goobayeen kooxo hubeysan oo goobta la baarayey horay weerar ugu soo qaaday, kadibna waa aay baxsadeen, ciidamada Mareykanka ah ee roondada sameynayey ayaa weerar lala beegsaday ka hor inta aysan soolaaban.
Gobolka xaduudka ay kala leedahay Niger wadanka Mali kaasi oo ku yaallo galbeedka Niger waxaa ka dhaca weeraro is xigxiga, kuwaasi oo ay soo qaadaan kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-qaacida ku sugan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Maroco.




From the comments