Dalka Sacuudiga iyo isbaheysiga uu hoggaamiyo ee ka dagaalama Yemen ayaa lagu arkey in ay ku jiraan liis madow oo hey’adda qaramada midoobey ka diyaarisay hey’adaha iyo dalalka gabood-falka ku sameeyay caruurta.
Qoraalka waxaa ku jira, in 683 caruur ah ay xulafada Sacuudiga dileen 2016-kii, waxaa kale oo 38 weerar ku qaadeen goobo caafimaad iyo qaar wax lagu barto.
Hey’adda Qaramada Midoobey waxaa ay sheegeysaa in dagaalka ka dhacaya Yemen ku dhinteen in ka badan 8530, oo 60% ay caruur yihiin halka 48 kun ku dhaawacmeen duqeynta.




From the comments