Wafdi ka socda dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana hogaaminayey wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaadhigga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Colaad Rooble.
Wafdigaan ayaa waxaa uu iskugu jiray xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Amisom iyo xubno ka socday midowga Yurub, ujeedka socdaalkooda ayaa waxaa uu ku saleysanaa u kuur galidda xaaladaha ammaan ee gobolka tayenta ciidamada qalabka sida iyo sidoo kale daruufaha ay ku shaqeeyaan ciidamada.
Xildhibaan Saciid Maxamed oo ka tirsan guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya qeybna ka ahaa wafdigaan ayaa faafaahin ka bixiyey waxa uu ku saleysanyahay ujeedka socdaalkooda.




From the comments