Waxaa axadda lagu wadaa in shir muhiim ah oo looga hadlayo federalism-ka Soomaaliya uu ka furmo magaalada Kismaayo ee xarunt KMG u ah maamulka Jubbaland, gogoshaasi waxaa bishii hore fidiyay madaxweynaha maamulkaas Axmed Islaan Madoobe.
Hadaba, Puntland oo laga shaki-qabay ayaa khamiistii shaacisay in ay tageyso shirka, waxaa sidoo kale isla shalay adkeeyay in ay shirka ka qeyb-galayaan Koonfur galbeed, maamullada kalana dhammaan waa tagi-doonaan
Shirka Kismaayo waxaa hareeyay arrimo ay ka mid yihiin xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Galmudug, waxaa kale uu jira in xiriirka dowladda federaalka ah iyo maamullada taageeray Sacuudiga iyo Imaaraadka aanu fiicneen.




From the comments