Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM ayaa si aad ah u adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Kismaayo, halkaasi oo maalinta berri ah uu ka furmi doono shirka dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada.
Ciidamo badan ayaa lasoo daadiyey xaafadaha Kismaayo, iyadoo sidoo kale aad loo adkeeyay waddooyinka gala madaxtooyada iyo xarumaha kale ee muhiimka.
Shacabka ku dhaqan Kismaayo ayaa sheegaya weli aanay arag sida xilligaan loo adkeeyay amniga Kismaayo oo kale, iyadoo ciidamada ay sameyteen baro kale oo cusub.




From the comments