Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in shirka ka furmi doona Axadda Berri ah magaalada Kismaayo uu yahay mid lagu doonayo in looga hadlo aayaha dalka iyo dadka.
Waxa uu sheegay in shirkaan ulajeedka ay u qabaneyso Jubbaland ay tahay sidii la isugu soo dhoweyn lahaa dadka Soomaaliyeed, isdoo kalena looga arrinsan lahaa wax walbo oo ku aadan masiirka dalka.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadaba ay ka wadahadli doonaan arrimo dan u ah shacabka iyo dalka, islamarkaana wuxuu rajeeyay in isfaham uu shirkaasi kusoo dhammaado.




From the comments