Taliska ciidamada Badde ee MARCOS ayaa sheegay in jimcihii ay fashiliyeen weerar ay kooxa burcad badeedda Soomaalida ku doonayeen iney ku qafaashaan markab ganacsi oo laga leeyahay dalka India.
Saraakiil u hadashay taliskaan ayaa sheegay in markabkaan ay weerareen rag gaarayey 12 qof oo saarnaa doon yar.
Markabka la weeraray ayaa marayey gacanka Cadmeed, waxaana saarnaa 26 shaqaale ah isaga oo lagu magacaabo MV Jag.




From the comments