Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in uu dib u dhacay shirkii Axadda lagu waday in uu halkaasi uga furmo maamul goboleedyada dalka.
Arrintan dib-u-dhaca ayaa timid kadib markii maanta ay baaqdeen wafdiyada madaxweyneyaasha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo madax kale ee shirka.
Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in shirka uu dhici-doono maalinta talaadada ah ee soo socota.




From the comments