Wararka ka imaanaya deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi qarax Miino lagula eegtay askar ka tirsan AMISOM.
Dad ku dhow halka ay wax ka dhaceyn ayaa waxay sheegayaan in qaraxan uu ahaa miino dhulka ku aasneyd, waxaana ay ku qaraxday mid kamid ah gaadiidka ay la socdeen ciidanka AMISOM.
Lama oga weli khasaaraha guud ee ka dhashay qaraxan, hase ahaatee ciidamada AMISOM ayaa la sheegay iney rasaas fureen.




From the comments