Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa sheegay in fadhil ay ku tahay dowladda Federaalka diidmada maamul goboleedyada ee shirka Dastuurka, kaasi oo maanta lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho.
Maxamed Maxamuud Caalim oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in haddii uu fashilmo shirka Dastuurka iyo cid walbo oo quseysa shirkaan yahay mid keenaya fashil siyaasadeed oo uu xambaarayo madaxweyne Farmaajo, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa uu tilmaamay Caalim in laga doonayo dowladda dhexe iney u jilicsanaayo nidaamka Federaalka oo uu tilmaamay inaanay hadda dowladdu u muuqan mid u dabacsan.




From the comments