Sida uu ku waramayo weriyaha Goobjoog News ee Kismaayo, waxaa goor-dhaw magaalada gaaray wafdi ay kala hoggaaminayaan Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Galmudug Axmed Ducaale Gllee(Xaaf) iyo Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Labada wafdi waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maoobe iyo dhiggiisa Koonfur galbeed Sharif Axmed.
Mas’uuliyiinta waxaa la sheegayaa in loo gudbiyay guriga martida halkaas oo la filay in lagu qabto shir looga arrinsanayo arrimaha Federaalka ah.




From the comments