Caawa waxaa si rasmi ah magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose uga furmay shirka wadatashiga maamul goboleedyada, waxaana ka qeybgalaya dhammaan madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.
Shirkaan oo ka furmay guriga martida ee Kismaayo ayaa waxaa daah furay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxaana halkaasi ku sugan madaxweynaha Puntlad C/weli Gaas, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo madaxeynaha K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ay kamid yihiin khilaafka ka dhaxeeya maamul goboleedyada qaar iyo sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya.





From the comments