Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar habeenkii xalay ahaa ay magaalada Boosaaso ka geysteen rag hubeysan oo illaa hadda la ogeyn cidda ay yihiin, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dableydan ayaa weeraray bar koontarool oo ciidamada Puntland ku lahaayeen magaalada Boosaaso, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday.
Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku geeriyootey ugu yaraan Seddax qof, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 10, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee Boosaaso.




From the comments