Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed oo la hadlay Goobjoog News, ayaa aragti kala duwan ka dhiibtay shirka maamul goboleedyada uga socda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.
Waxay shacabkan qaarkood sheegeen in shirkaan uu muhiim u yahay maamul goboleedyada, islamarkaana xaq u leeyihiin iney ka tashadaan aayahooda.
Dadkan ayaa sheegaya in dowladda dhexe ay cadaadiska ka deyso maamul goboleedyada, maadaama xildhibaannada qaranka laga soo doortay maamullada ku shirsan Kismaayo.




From the comments