Maanta Oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo lagu soo gabagabeeyo shirka madaxda maamul goboleedyada uga socda magaaladaasi.
Shirkan oo Kismaayo ka bilowday 8-dii bishan ayaa ah mid wadatashi ah oo ay yeelanayaan maamul goboleedyada dalka ka jira, kadib markii uu soo ifbaxay khilaaf u dhaxeeya dowladda dhexe iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada.
Waxaa maanta la filayaa in ay soo saaraan madaxda shirsan war-murtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay isku afgarteen inta shirka uu socday.




From the comments