Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa maanta shaaciyey tirada rasmiga ah ee dadka qaatay kaararka codeynta doorashada maamulkaasi oo la filayo iney dhacdo 13-ka bisha November.
Xubnaha guddigan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay iney si diiwaangeliyeen 704,089 islamarkaana ay dadkaasi xaq u leeyihiin iney codeeyaan.
Tiradan lasoo gudbiyey ayaa ah dadka iska diiwaangeliyey guud ahaan deegaannada maamulka Somaliland, iyadoo ay jiraan dad badan oo aan ka qeybqaadan is diiwaangelinta.




From the comments