Wasaaradda haweenka Galmudug ayaa sheegtay iney waddo qorsheyaal badan oo lagu horumarinayo haweenka Mudug iyo Galgaduud.
Wasiirka wasaaraddaasi Hodon C/laahi Shire oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegtay in ulajeedka ay u tagtay magaaladaasi tahay u kuurgelidda xaaladda haweenka Mudug.
Waxay sheegtay in macluumaad badan ay is dhaafsadeen haweenka Gaalkacyo oo ay kulmeen, kana wada hadleen arrimo ku aadan kobcinta haweenka, caafimaadka, waxbarashada iyo doorkooda siyaasadda.




From the comments