Waxaa Magaalada Islamabad ee dalka Pakistan lagu qabtay shir goboleedka wadamada xubnaha ka ah EMRO WHO, iyadoo shirkaasi uu furay Madaxweynaha dalka Pakistan Mr Mamnoon Hussain, Waxa ka soo qeyb galay Madaxa WHO Dr. Tedros, Agaasimaha Emro Dr Fikri, wasiiradda caafimaadka ee dalalka ku bahooway gobolka EMRO, wafuudooda iyo hay’ada badan oo caalami ah.
Dalkeenna Soomaaliya waxaa ugu qeyb galay wasiirka Caafimaadka Dr Fawziya Abikar Nur iyo wafdigeeda oo uu Wehliyaan xubno katirsan qeybaha bulshada rayidka, waxaana looga hadlay doorka caafimaadka dalalka ku mideesan ururkaas iyo sida dalyeel caafimaad loo heli lahaa.
Kulankaan ayaa furmay 10-kii bishan, waxaana dhamaan dhinacyada ka qeyb galay ay soo bandhigeen dhibaatooyinka caafimaad xumo ee hadda ka jirta dalalka , iyadoo la isku dhaafsaday talooyin iyo sida la isaga kaashan lahaa dhibaatooyinka caafimaad darro ee dunida qaar.





From the comments