Goobjoog

Hey’ado Talyaani Ah Oo Bad-baadisay 200 Caruur Tahriibayaal Ah, Soomaali Ayaa Ku Jirta

Dalka Talyaaniga waxaa lagu bad-baadiyay doon dadka tahriibisa oo ku socotay badda Mediterranean-ka taas oo la sheegayo in ay wadday boqolaal caruur ah oo aaney la socon eheladooda, caruurtaas ayaa…

Hey’ado Talyaani Ah Oo Bad-baadisay 200 Caruur Tahriibayaal Ah, Soomaali Ayaa Ku Jirta
Members of the Red Cross evacuate a person on a stretcher as migrants disembark from rescue ship Aquarius run by NGO “SOS MediterranÈe” after a rescue operation at sea, on October 13, 2017 in Palermo, Sicily. More than 600 migrants from Syria, Egypt, Mali, Sudan, Morocco, Algeria and Benin, among them 240 children, have been saved in the mediterranean sea in the last 36 hours announced the NGO in a statement. / AFP / fucarini / Alessandro FUCARINI

Dalka Talyaaniga waxaa lagu bad-baadiyay doon dadka tahriibisa oo ku socotay badda Mediterranean-ka taas oo la sheegayo  in ay wadday boqolaal caruur ah oo aaney la socon eheladooda, caruurtaas ayaa hadda la geeyay goobo ammaan ah oo ku yaalla gudaha Talyaaniga.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, doonta oo sidday caruur u dhalatay in ka badan 15 dal oo Afrikaan ah, waxaa gacanta ku dhigay hey’adaha SOS iyo Dhakhaatiirta aan xuduudda laheyn ee loo yaqaano (MSF).

Doonta caruur keliya ma saarneen, guud ahaan dadka saarnaa waxaa ay ahaayeen 606, 241 ka mid ah ayaa ahaa caruur aan qaan-gaarin, dadkan oo la bad-baadiyay Talaadadii iyo Arbacii ayaa waxaa jimcihii la geeyay magaalada Palermo.

Dadkan Tahriibayaasha dalalka ay yimaadeen waxaa lagu sheegay Libya, Benin, Eritrea, Ethiopia, Nigeria, Syria, Somalia iyo Yemen.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments