Maamulka Puntiland ayaa waxaa uu xabsiga dhigay siyaasiyiin horey xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii KMG ee federaalka iyo maamulka Puntiland.
Siyaasiyiinta la xiray waxaa ka mid ah: Daahir Cabdulqaadir Muuse oo loo yaqaan Daahir Ciirro oo horay u soo noqday xildhibaan dowladdii KMG aheyd, Dr Cabdirixmaan Siciid Maxamud (Dhegaweyne)oo xilal kala duwan ka soo qabtay maamulka Puntiland sida Agasimaha hay’adda la dagalanka Aids ka PAC iyo Wasiirkii Caafimaadka maamulladii hore ee Puntland, Duni Maxamed Guulato oo Ganacsade ah iyo Faysal Faarax Cali Agaasimaha Isbitaal soo noqday.
Hadaba, Guddoomiyaha golaha madashan badbaadada Puntland la magac baxday Abshir Cali Halow ayaa Goobjoog News uga warbixiyey xariga loo geystay siyaasiyiintaan.




From the comments